Saddex garsoore oo ka tirsan garsoorayaasha ayaa ku amray dowlada in ay bixiso 3 milyan oo shilin midkiiba 148 qof oo ku dhintay Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015-kii.
Xukunka maxkamadda sare ee Milimani, garsoorayaasha kala ah Antony Ndung’u, Mugure Thande iyo Daniel Kemei ayaa sidoo kale go’aamiyay in 14-ka qoof ee dhaawacmay la siiyo midkiiba 1.2 milyan ilaa 10 milyan oo shilinka dalka ah, taasoo ku xiran heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray
Weerarkaani ayaa waxaa uu dhacay 2 bishi april 2015-ki.
148-ka qof ee la dilay, 142 ka mid ah waxay ahaayeen arday, 3 ka mid ah waxay ahaayeen ciidamada ammaanka, saddex kalena waxay ahaayeen ilaalada jaamacadda.
Saddex nin ayaa sannadka 2019 lagu soo oogay dacwad doorkii ay ku lahaayeen weerarka.