Madaxweyne William Ruto ayaa wacad ku maray inuu ilaalin doono xoriyada diimaha ee dalka.
Isagoo hadlayay shalay ka dib markii uu helay warbixinta guddiga madaxweynaha ee dib u eegista qaab dhismeedka sharciga iyo nidaaminta ururada diimaha oo lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi, ayaa sidoo kale Madaxweyne Ruto wuxuu ka dhawaajiyay in uu yareyn doono ku xad gudubka ka dhanka ah xoriyada diimaha ee wax u dhimi kara dadka Kenyaanka ah.
Warbixinta guddigan oo uu hoggaaminayay Reverend Mutava Musyimi ayaa soo jeediyay in la dhiso Guddiga Arrimaha Diinta si ay u dhamaystiraan is-xakamaynta diinta oo ay dawladdu kaliya kormeer ku sameyso.