Barasaabka Ismaamulka Machakos Wavinya Ndeti ayaa dhaleeceeysay tallabada uu Madaxweyne William Ruto ku Magacaabay Xubno katirsan Xisbiga ODM kuwaasi oo hada kamid noqon doona Golahiisa Wasiirada.
Wavinya ayaa hogaamiyaha Azimio la Umoja Raila Odinga ku eedeeyaysay in uu ka faa’iidaysanayo dhalinyarada Kenyaanka ah iyo dadaalka ay Gen z ku doonayaan in dalka uu isbadal uga dhaco.
Arbacadii madaxweyne Ruto ayaa afar xubnood oo ka tirsan xisbiga ODM u magacaabay inay ka mid noqdaan golihiisa wasiirada cusub, arrintaas oo dhalisay falcelino kala duwan iyadoo qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga Azimio ay kasoo horjeesteen tallaabadaasi.
Barasabka ayaa hadalkan ka sheegtay mar ay kormeertay mashaariic kala duwan oo ay dowladeeda ka fulineyso guddaha ismaamulkaasi.