Xoghayaha Guud ee Xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa xubnaha xisbiga ee loo soo magacaabay Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Ruto ugu baaqay in ay is casilaan.
Sifuna oo saaka hadlay ayaa sheegay in Xisbiga ODM uunan soo gudbinin afarta xubnood ee uu shalay Madaxweyne Ruto u Magacaabay golahiisa Wasiirada.
Senator-ka ayaa sheegay in magacaabistoodu aysan matalin booska xisbiga ee xukuumadda Ruto, sidaas darteedna uu filayo in xubnahan ay soo gudbiyaan warqadaha is-casilaadda ee xubinimada xisbiga.
Sifuna ayaa xaqiijiyay in afarta Xubnood ee uu Magacaabay madaxweyne Ruto uusan soo gudbinin Raila Odinga isagoo xusay in Raila uu si weyn u aaminsan yahay sinnaanta jinsiga.
Shalay ayuu Madaxweynuhu ku dhawaaqay dufcadii labaad ee golaha wasiirada oo ay ku jiraan afar xubnood oo ka tirsan xisbiga ODM.