Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in J.D. Vance oo ah senator laga soo doorto gobolka Ohio, uu noqon doono madaxweyne ku xigeenkiisa, haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan.
“Ka madaxweyne ku xigeen, J.D. wuxuu sii wadi doonaa inuu u dagaallamo dastuurkeenna, wuxuu garab istaagi doonaa ciidamadeenna, wuxuuna sameyn doonaa wax walba oo uu kari karo si uu iiga caawiyo in aan Ameerika mar kale ka dhigto mid weyn,” ayuu Trump ku daabacay bartiisa bulshada ee lagu magacaabo Truth.
Vance, oo 39 jir ah, ayaa mar ka mid ahaa dadka sida aadka ah u dhaliila Trump. Sannadki 2016-ki marki uu Trump u tartamayay doorashadi uu ku guuleystay, wuxuu Vance ka mid ahaa dadki mucaaridksanaa, hase yeeshee wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu ka mid noqday difaacayaasha daacadda u ah Trump.
Waxyar kaddib marki uu Trump ku dhawaaqay in D.J Vance uu u magacaabay madaxweyne ku xigeenkiisa tartanka doorashada, ayuu Vance kasoo dhex muuqday xarunta uu ka socdo shirweynaha qaran ee xisbiga Jamhuuriga ee magaalada Milwaukee, isaga iyo xaaskiisa Usha oo ah ah gabadh asal ahaan kasoo jeeda Hindiya.
J.D. Vance ayaa ku dhashay kuna koray magaalada Middletown ee gobolka Ohio. Wuxuu ka mid noqday ciidanka badda Mareykanka, isaga oo kasoo dagaallamay dalka Ciraq.
Wuxuu marki danbe wax ka bartay jaamacadaha Ohio State iyo Yale, ka hor inta uusan galin siyaasadda sannadki 2020-ki. Isaga oo sannadki 2022-ki loo doortay mudane ka tirsan Golaha Senatka Mareykanka oo uu kasoo galay gobolka Ohio.