Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Agaasimaha waaxda dacwad oogista oo soo saaray awaamiir cusub oo...

Agaasimaha waaxda dacwad oogista oo soo saaray awaamiir cusub oo ku aadan mudaaharaadyada

98
0

Agaasimaha waaxda dacwad oogista (DPP) Renson Ingonga ayaa soo saaray awaamiir cusub oo ku aadan qaabka ay Waaxda dambi baarista ee DCI ula Macaamili doonto dambiilayaasha dhaca iyo burburinta hantida gaysta inta lagu guda jiro mudaaharaadyada.

Bayaan uu soo saaray shalay ayuu  Ingonga ku sheegay in dastuurka Kenya, 2010 uu ilaalinayo xuquuqda qof kasta uu u leeyhaay  mudaaharaadka si uu usoo bandhigo  cabashooyinka ka dhanka ah hay’adaha dawladda.

Si kastaba ha ahaatee, DPP ayaa sheegay in xuquuqdu aysan ahayn mid qofka waxaa uu doono u ku sameyn karo isla markana ay booliska ilaalin donaan  nafta iyo hantida shacabka.

Ingonga ayaa sheegay in dadka Mudaaharaadka ka qayb galaya loo baahan yahay in ay ahadaan kuwo aanan hubeysneyn.

Ingonga ayaa faray Waaxda Baarista Dambiyada (DCI) inay si degdeg ah u soo gabagabeeyaan baaritaanada oo ay u gudbiyaan natiijada galka baaritaanka si dacwad loogu soo oogo qof kasta dambiyada ku lugta leh.

Agaasimaha waaxda dacwad oogista (DPP) Renson Ingonga  ayaa  ka digay in burburinta kaabayaasha muhiimka ah, oo ay ku jiraan Baarlamaanka, Garsoorka iyo kaabayaasha dowladdaha ismaamulada ay dambi tahay isla markana laga hortagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here