Tababaraha Spain Luis de la Fuente ayaa aaminsan in xulkiisa loo tixgeliyo inay yihiin kuwa ugu cadcad Euro 2024 ka dib markii ay garaaceen Georgia kulankoodii ugu dambeeyay ee 16 fiidnimadii Axadii.
Spain ayaa haatan la ciyaari doonta xulka marti galinaya tartanka ee Germany iyaga oo midkood Portugal, Slovenia, German ama Belguim la ciyaari Doona Semi-final-ka tartanka.
Xulka Spain ayaa ah xulka kaliya ee badiyay dhamaan kulamadii ay ciyaareen tartanka iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.
De la Fuente ayaana ku adkeysanaya in uu yahay tababaraha kooxda ugu fiican ee ku haray Euro 2024.
“Ciyaarta waa 8-1 ama 9-1,” ayuu yiri De la Fuente ka dib guushii Spain ay ka gaartay Georgia.
“Aniga oo Ixtiraamaya xulalka kale, waxa aan haysanaa xiddigaha ugu fiican adduunka”.
“Waxa aan odhan karaa waxa aan ka mid nahay xulalka ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka”