Waaxda Adeegga Booliska Qaranka (NPS) ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in qaar ka mid ah saraakiisheeda loo diray Haiti ee howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ay taageerto la dilay.
Tani ayaa ka dambeysay markii ay soo shaacbaxday warar sheegaya in toddobo sarkaal lagu dilay dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee Caribbean-ka iyadoo kooxaha hubeysan ay cadaadis dheeraad ah ku hayaan ciidamada la geeyay.
NPS ayaa ambaaraysay muuqaal ku wareegay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok,kaasi oo muujinaya saraakiil la dilay iyagoo sheegay in wararkaasi ay been yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, taliska booliiska ayaan wax xog ah ka bixin howlgalka iyo xaaladda ciidamada Kenya.