Afhayeenka aqalka baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa hogaamiyayaasha dalka uga digay siyaasada ku saleysan qabyaalada iyo kala qeybsanaanta isagoo ugu baaqay shacabka Kenya inay midoobaan.
Afhayeenka baarlamaanka qaranka ayaa xusay inay nasiib darro tahay in la arko madaxda qaranka oo isku dayaya inay dalka ka abuuraan kala qeybsanaan isagoo sheegay in dalka uu ku mideysan yahay hogaanka Madaxweyne William Ruto.
Wetangula ayaa sheegay in Xildhibaanada ay Maalinta talaadada ah markale ka doodi donaan sharciga Maaliyada isla markana ay aragtidooda ka dhiban donaan.
Waxa uu ku celceliyay in si dalka uu u gaaro ajandihiisa horumarineed ay tahay in kenyaanka ay bixiyaan canshuuraha isaga oo ugu baaqay xildhibaanada in ay ka tashadaan arimaha quseeya kenyaanka.