Xooghayaha guud ee Xisbiga UDA Cleophas Malala ayaa digniin adag u diray Xildhibaanada katirsan xisbiga UDA ee kasoo horjeeda Sharciga Maaliyada ee 2024-ka kaasi oo akhrintiisii labaad Maray khamistii aynu soo dhaafay.
Isagoo Shalay ka hadlayay Magaalada Butere ee Ismaamulka Kakamega , Malala ayaa sheegay in Xildhibaanada UDA ee kasoo horjeeda sharcigan ay u diyaar garoobaan inay ka baxaan xisbiga kahor doorashada 2027-ka.
Baaqa Malala ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan mudaaharaadyo dadweyne oo looga soo horjeedo sharciga maaliyadda ee la soo jeediyay, iyadoo mudaaharaadyo kale lagu wado inay dhacaan berri.
Si kastaba ha ahaatee, Malala ayaa booliiska ka codsatay inay is-xakameeyaan oo ay ilaaliyaan dhalinyarada mudaaharaadaya, isagoo intaas ku daray inuu qabanqaabin doono kulan dhexmara dhallinyarada iyo madaxweyne William Ruto.