Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Madaxa Golaha Wasiirada oo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee Kenya...

Madaxa Golaha Wasiirada oo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee Kenya iyo Itoobiya u qabaan inay iska kaashadaan baabi’inta caqabadaha ganacsiga

116
0

Madaxa Golaha Wasiirada ahna Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee Kenya iyo Itoobiya u qabaan inay iska kaashadaan baabi’inta caqabadaha ganacsiga, oo ay ku jiraan canshuuraha iyo caqabadaha kale ee hortagaan horumarka dhaqaalaha ee labada dal.

Mudavadi ayaa shalay  hadalkan ka sheegay shir lagu soo  gabagabeeyay qaab-dhismeedka wadajirka ah ee kor loogu qaadayo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada istaraatiijiga ah oo ka dhacay  Addis Ababa.

Madaxa Golaha Wasiirada ayaa si wadajir ah u guddoominayey shirka 36-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Wasiirrada Itoobiya iyo Kenya.

Labada dal ayaa kala saxiixday  heshiisyo ku saabsan dalxiiska, duur-joogta, dhaqanka, dhaqaalaha buluugga ah, batroolka, adeegyada asluubta, iyo kor u qaadista awoodda adeegga bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here