Madaxweyne William Ruto ayaa si rasmi ah u daahfuray akadeemiyada hal-abuurka iyo tignoolajiyada ee Lipton Teas, kaasoo ay iska kaashanayaan shirkadda shaaha ee Lipton iyo dowladda.
Machadka Shaaha oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalka laga furo ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada warshadaynta shaaha.
Madaxweyne Ruto ayaa Machadkan ku ammaanay hindisahan isagoo sheegay in ay wax badan ka badeli doonto warshadaha shaaha ee dalka.