Home Wararka Caalamka(international news Iskuulada dalka Zambia oo dib loo furay sanadkan markii ugu horeysay

Iskuulada dalka Zambia oo dib loo furay sanadkan markii ugu horeysay

153
0

Iskuulada dalka Zambia ayaa dib loo furay sanadkan markii ugu horeysay,kadib dib u dhacyo dhowr ah kadib markii uu dalkaasi ka dilaacay cudurka Daacuunka.

Dib u furista ayaa dib loo dhigay shan toddobaad taasoo qayb ka ah tallaabooyin taxane ah oo ka hortag ah oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka aadka u faafa.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in ay wadeen kormeero iskuulada dalka oo dhan si ay u ogaadaan sida ay diyaarka ugu yihiin in dib loo furo.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in fiditaanka cudurka uu yaraaday.Ilaa 500 oo qof ayaa dhintay tan iyo markii la soo sheegay in cudurka uu dillaacay Oktoobar la soo dhaafay.

In ka badan 15,000 oo kiis ayaa ilaa hadda la soo sheegay, qaar badan oo ka mid ah waxay saameeyaan carruurta.

Cudurka dillaacay ayaa sidoo kale sababay cudurro dhowr ah iyo dhimasho dalka deriska la ah ee Zimbabwe iyo Mozambique.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here