Wasiirka Gaashaandhigga dalkaani Aadan Ducaale ayaa cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla magaalada Muqdisho, kaasi oo galaaftay nolosha saddex askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Bahrain.
Qoraal uu soo saaray, Ducaale, ayuu ku sheegay inuu la safan yahay Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta oo cambaareynaya weerarkaas oo uu ku tilmaamay mid fulaynimo ah.
Al Shabaab, ayaa Sabtidii weerar ku qaaday Xerada General Gordon ee Imaaraadka ay maamusho ee Magaalada Muqdisho, ee Somaliya. Ducaale ayaa bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen askartii naftooda ku waayay weerarka.
Wuxuu muujiyay kalsoonida ay ku qabaan u adkeysiga shacabka Imaaraadka inay ka kacaan weerarka, ayna sii wadaan dadaallada hoos loogu dhigayo argagixisada.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Imaaraadka uga tacsiyeeyay khasaarihii ka soo gaaray ciidamada.
Meydadka askarta dhintay ayaa shalay loo duuliyay dalka Imaaraadka kadib weerarka.
Mid ka mid ah askarta ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarka, balse markii dambe ayuu dhintay isagoo ku sii jeeda Imaaraadka.
Al Shabaab ayaa weli awood u leh inay weeraro ka geystaan Soomaaliya iyo dalalka ku dhow dhow inkastoo Midowga Afrika uu muddo dheer guluf dagaal kula jiray kooxda argagixisada ah ee Islaamiga ah.