Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Afhayeenka dowladda Isaac Mwaura oo sheegay in dowladdu ay racfaan ka qaadan...

Afhayeenka dowladda Isaac Mwaura oo sheegay in dowladdu ay racfaan ka qaadan doonto go’aankii maxkamadda

123
0

Afhayeenka dowladda Isaac Mwaura ayaa sheegay in dowladdu ay racfaan ka qaadan doonto go’aankii maxkamadda ee ahaa in golaha ammaanka qaranka uu ka mamnuucayo in saraakiil booliis ah la geeyo Haiti.

Afyeenkaani ayaa sheegay in ciidamada dalkaani kenya ay leeyihin karti ay wax ugu qabtaan wadamada kale ee caalamka hadii loo baahdo.

Afhayeenka dowladda Isaac Mwaura ayaa sheegay oo maanta qaabtay shir jaraaid ayaa waxaa uu sheegay in kenya ay leedahay taariqh deerad oo wax looga qabto xasaradaha caalamka.

Mwaura oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamo booliis ah oo loo diro Haiti ay muujinayso in Kenya ay garab taagan tahay dadka Haiti oo la ildaran dhibaatooyin dhinacyo badan leh oo tobanaan sano ah, oo ay sababeen qalalaasaha siyaasadeed, dhaqaale xumo, iyo dhibaatooyin bulsho.

Go’aanki Jimcihii todobaadkii hore, Maxkamadda Sare waxay ka mamnuucday Golaha Amniga Qaranka inuu 1000 askari oo bilays ah  la geeyo  dalkaa Haiti.

Garsooraha maxkamada sare Chacha Mwita ayaa go’aankiisa ku sheegay in qaabka loo adeegsaday soo jeedinta ciidamada ay tahay mid aan dastuuri ahayn, wax aan jirin oo aan waxba ka jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here