Wasiirka gaashaandhigga Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay inay dowlada ka go’an tahay horumarinta nabadda iyo ammaanka gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Ducaale ayaa hadalkan jeediyay xilli lagu guda jiray furitaanka Sanduuqa Hawlaha Taageerada Nabadda oo muhiim u ah awood u siinta ciidamada in la geeyo hawlgallada taageerada nabadda ee caalamka.
Hadalkiisa ayaa waxaa ku raacay taliyaha ciidanka difaaca dalkaa Francis Ogolla.