Dawladd ayaa amar ku bixisay dhammaan hawl-wadeennada guryaha Mudada gaaban la kireysto ee Airbnb-ga loo yaqaano ay sida ugu dakhsiyaha badan iskaga diiwaan geliyaan Hay’adda Sharciyaynta Dalxiiska (TRA)
War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen wasaaradaha arrimaha gudaha, jinsiga, tacliinta sare iyo dalxiiska ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay xaqiijin doonto in dhammaan goobahan ay buuxiyaan heerarka ugu sarreeya ee badbaadada iyo amniga martida.
Bayaankan ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 5-ta Febraayo 2024-ka ay Saraakiisha Maamulka ee Dawladda Qaran (NGAOs) oo kaashanaya Hay’adda Shuruucda Dalxiiska ay bilaabi doonaan kormeerka dhammaan guryaha aan diiwaangashaneyn.
Dhamaan Guryaha airbnb-ga ee aan diwaan gashaneyn ayaa la saari doona ganax adag oo ay kamid tahay in sharciga lagala laabto.
Ururada dadka deegaanka ayaa lagu booriyay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha fulinta sharciga si loo fuliyo amarkan.