Ururka Ufungamano ee ay ku mideysan yihiin Ururada Diinta ayaa baaq u jeediyay Hay’adaha Fulinta iyo Baarlamaanka oo ay shegeen in ay wiiqayaan Madaxbanaanida Garsoorka.
Iyagoo saxaafadda kula hadlayay magaalada Nairobi, xubnaha golaha madasha ayaa sheegay in dhaleeceynta loo jeedinayo garsoorka ee ku aaddan barnaamijka guryaha la awoodi karo ay horseedi karto fowdo dalka ka dhacda.
Xubnaha golaha madasha ayaa ugu baaqaya Kenyaanka inay u hoggaansamaan dastuurka iyagoo sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ee ay labada garab ee dowladda ku qaadeen garsoorka uu ahaa kuwo aan loo baahnayn.
Madashu waxay kaloo ku boorisay Guddiga Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa inay qabtaan shirweyne Qaran oo lagaga tashanayo sida ugu habboon ee loo dardargelin karo la-dagaalanka Musuqmaasuqa