Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in uu hadda diiradda saaraayo ajendaha horumarinta ee dalka.
Isagoo ka hadlayay ismaamulka Nyandarua halkaasi oo uu xariga uga jaray mashaariic horumarineed oo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dhismaha wadada isku xirta Boiman-Passenga-Sirunga-Gachwe-Kwa Mumbi Road, Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in uu ku guuleystay xasilinta dhaqaalaha iyo dhimista deymihii lagu lahaa dalka,sidaa darteed uu hadda bilaabi doono ajandaha horumarka.
Waxa uu sheegay in uu tegi doono qaybaha kala duwan ee dalka si uu u fuliyo mashaariic kala duwan oo la
doonayo in lagu wanaajiyo nolosha dadka Kenyanka.
Waxa uu mar kale wacad ku maray in uu wax ka qaban doono cid kasta oo adeegsata hay’adaha garsoorka si ay u carqaladeeyaan hirgelinta mashruuca guryaha ee la awoodi karo iyo Sanduuqa cusub ee Caymiska Caafimaadka Bulshada (SHIF).
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in xitaa garsoorka looga baahan yahay in ay u hoggaansamaan rabitaanka shacabka Kenyanka.