Shan qof ayaa saaka aroortii ku naf waayey shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Londiani ee ku teedsan wadada Molo iyo Kericho.
Dadka dhintay oo kala ahaa afar rag ah iyo ilmo yar ayaa la socday gaari matatu ah oo ah nooca 14-ka kursi kaasoo si toos ah ugu gaari nooca xaamulka qaado abaare 3.00 aroornimo.
10 qof ayaa loola cararay isbitaallada Molo iyo Londiani si loogu daweeyo.
Shilkan ayaa yimid bilo uun ka dib markii 55 qof ay ku nafwaayeen isla aagaga shil baabur nooca xaamulka ah uu ku jiiray baabuur badan.
Sida laga soo xigtay maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka wadooyika ee (NTSA), 3,760 qof ayaa naftooda ku waayay shilal baabuur oo ka dhacay dalka intii u dhaxaysay Janaayo iyo 15kii Oktoobar.