Israa’iil ayaa ku boorisay Ruushka inuu ilaaliyo “dhammaan muwaadiniinteeda iyo Yuhuudda oo dhan” ka dib markii dad aad u badan oo qaar ka mid ah ay ku qaylinayeen erayo nacayb ay weerareen garoonka diyaaradaha ee Dagestan.
Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadweyne careysan oo dhex yaacayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Makhachkala iyadoo gacanta ku haysta calaanka falaastiniinta , waxaana la sheegay in ay raadinayeen dad ka imaanaya Tel Aviv ere dalka Isreal .
Hay’adda duulista hawada ee Ruushka ayaa sheegtay in xaaladda la xakameeyay kadib markii mas’uuliyiinta dalkaasi ay gaareen goobtaasi.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegeysa in qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha ay baabuurta ku joojinayeen bannaanka garoonka diyaaradaha ee Makhachkala iyaga oo dalbanaya in ay arkaan dukumentiyada dadka saaraan , waxayna raadinayeen shaqsiyaadka wataan baasaboorka Israa’iil.
20 qof ayaa ku dhaawacantay oo ay ku jiraan qaar ka mid ah saraakiisha booliiska, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.