Maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa go’doomiyay magaalooyinka xilli ciidamada dowladda ay kula dagaalamayaan kooxaha gooni u goosadka ee Tuareg ee gacanta ku haya Waqooyiga Mali.
Dadka ku nool magaalooyinka dalka Maali oo ay go’doomiyeen dagaalyahannada xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa sheegay in ay soo wajahday cunto yari, shidaal la’an iyo dawo yari, iyo sicir barar degdeg ah.
Go’doominta ayaa timid iyada oo uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada, oo ay taageerayaan calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, iyo kooxaha Islaamiyiinta ah iyo dagaalyahannada gooni u goosadka qowmiyadda Tuareg.
Ku dhawaad laba bilood, Jamaacada Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ayaa isku dayaysay in ay gabi ahaanba jarto magaalada taariikhiga ah ee Timbuktu ee waqooyiga ku taalla, iyada oo ka ilaalinaysa in sahaydu soo gasho.
Inta badan sahayda Timbuktu ayaa ka iman jirtay dalalka Mauritania iyo Algeria.