Home Wararka Caalamka(international news In ka badan 300 oo qof oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee...

In ka badan 300 oo qof oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Gaza

187
0

Milatariga Israel ayaa ka digay in dagaalyahanada Xamaas ee Gaza ka socda ay wali ka dagaalamayaan gudaha Israa’iil kadib markii ay gudaha u galeen bulshooyinka koonfurta oo la sheegay in ay  ku dileen  300 oo qof.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay Israa’iiliyiinta inay galayaan dagaal dheer oo adag.

Dagaalyahaano hubeysan oo Hamas ayaa gudaha u galeen dalka Isreal halkaasi oo ay dileen askar badan iyo dad shacab ah  halka Isreal ay uga jawaabtay  duqeymo xagga cirka ah.

Militiriga Isreal ayaa welito waxay duqeymo ka wadaan deegaanka Gaza .

Dhanka kale Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale duqaymo ka fuliyay koonfurta Lubnaan kadib markii hoobiyeyaal laga soo tuuray  oo lala beegsaday  deegaanka lagu muransan yahay ee Mount Dov/Shebaa.

Dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee ka dagaalama Lubnaan ayaa ka dhawaajiyeen  in ay weerarka fuliyeen “iyagoo   garab istaag u muujinayaan Falastiiniyiinta”.

In ka badan 300 oo qof ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Gaza tan iyo markii dagaalyahaanada falastiiniyiin ah ay gudaha u galeen  Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here