Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Wasaaradda caafimaadka ee dalka oo bilowday wajiga labaad ee ololaha bixinta...

Wasaaradda caafimaadka ee dalka oo bilowday wajiga labaad ee ololaha bixinta tallaalka ka dhanka ah cudurka dabeysha .

167
0

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa  bilowday wajiga labaad ee ololaha bixinta tallaalka ka dhanka ah cudurka dabeysha .

Ololahani ayaa bilowday maanta oo ay taarikhdu tahay 7-da bisha October ilaa waxaa uu soconaya taarikhda marka ay tahay 11-ka bisha October ee sanadkani , waxaana laga bartilmaameedsanaya 3.1 milyaan oo caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano islamarkana ku nool ismaamulada khatarta ugu jiro cudurkani .

Ismaamuladani ayaa kala ah Nairobi, Machakos, Kiambu, Kajiado, Garissa, Kitui, Mandera, Wajir, Tana River  iyo Lamu.

Wasaaradda caafimaadka iyo dowladaha ismaamulada iyo hay’ado dhowr ah ayaa horaan ku guuleysteen wareegi koowaad ee tallaalka cudurka Dabeysha  oo la fuliyey intii uu dhaxeysay 24 august ilaa 28-bishii august ee sanadkii la soo dhaafay .

Wasaaradda caafimaadka ayaa khamistii xaqiijisay in la diiwaangeliyey sideed kiis oo cudurka dabeysha guud ahaan ee dalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here