Madaxweyne William Ruto ayaa ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maaliyadda caalamiga ah si wax looga qabto dhibaatada deynta ee ka jirta dalalka saboolka ah.
Isaga oo ka hadlayay mar uu khudbad ka jeedinayay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (UNGA) ee magaalada New York, ayuu Madaxweyne Ruto waxaa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo maalgelinta tanaasulka, taageerada iyada oo loo marayo Xuquuqda Gaarka ah (SDRs), iyo dib-u-habaynta suuqyada maaliyadeed.
Waxaa uu ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo deymaha iyadoo la siinayo muddo 10-sano ah oo loogu talagalay tobanaan ka mid ah dalalka Afrikaanka ah ee ku jira dhibaatada deynta.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in ilaa 3.3 bilyan oo qof oo ku nool dalalkan ay ku xayiran yihiin xaalad xun oo degdeg ah, dib-u-dhis iyo ka soo kabasho jahawareerka cimilada ee soo noqnoqda, taas oo ka weecinaysa kheyraadka horumarinta iyo waxqabadka cimilada labadaba.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale ku baaqay in la sameeyo hindise dib u habeyn lagu sameynayo.