Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Kenya oo Shiinaha kala kaashan doonta arrimaha amniga iyo sirdoonka

Kenya oo Shiinaha kala kaashan doonta arrimaha amniga iyo sirdoonka

107
0

Kenya ayaa  doonaysaa in ay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Shiinaha gaar ahaan dhinaca wadaagga sirdoonka, hawlgallada amniga ee wadajirka ah iyo maamulka amniga, taas oo ah tallaabo istiraatiiji ah oo ay ku xoojinayso awooddeeda ammaan ka dib khataraha sii kordhaya ee caalamiga ah.

Xoghayaha Guud ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in tallaabadani ay door muhiim ah ka ciyaari doonto kor u qaadista awoodda Kenya ee wax ka qabashada khataraha amniga ee soo baxaya.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ammaanka caalamiga ah ee sida xawliga ah isu beddelaya uu u baahan yahay hab midaysan oo lagu ilaaliyo nabadda.

Xoghaye Omollo ayaa si gaar ah u tilmaamay argagixisanimada, weerarrada internetka, dembiyada caalamiga ah, colaadaha gobolka iyo isbeddelka cimilada oo ah caqabadaha waaweyn ee khatarta ku ah nabadda adduunka.

Waxaa uu ka hadlayay Talaadadii mar uu ka qeyb galay Madasha Iskaashiga Amniga Dadweynaha ee Caalamiga ah ee Lianyungang, ee dalka Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here