Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Raila Odinga Oo Ku Baaqay In Dumarka La Siiyo Fursado Siman Lana...

Raila Odinga Oo Ku Baaqay In Dumarka La Siiyo Fursado Siman Lana Ixtiraamo Doorkooda Dhismaha Qaranka

36
0

Ra’iisul Wasaarihii hore  dalka Raila Odinga ayaa ku baaqay in la ixtiraamo dumarka isagoo sheegay in haweenka ay mudanyihiin in  la siiyo fursado siman maadaama ay door ku leeyihiin dhismaha qaranka.

Raila oo shalay ka hadlayay ismaamulka Homabay xili ay ka socotay munaasabad mahad celin ah oo loo sameeyay gavanaha  homa bay Gladys Wanga ayaa sheegay in si siman loo qeybsado hantida qaranka maadaama qof kasta oo kenyan ah uu bixiyo canshuur uuna filayo in loo adeego.

Waxa uu xusay in loo baahan yahay in xal loo helo dilalka  loo gestay shacabka dalka tan iyo mudaharaadyadii bartamihii sanadkan ilaa haatan .

Dhanka kale Raila  odinga ayaa sheegay in haddii loo doorto Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) uu ku dadaali doono sidii Afrika ay uga faa’iideysan laheyd  kheyraadkeeda qaarada . Waxa uu sheegay in heerka shaqo la’aanta sareeysa ee ka jirta dalal badan oo Afrika ah ay ku jaan go’an tahay in la maalgashado warshadaha  wax soo saara kuwaas oo farsameeya macdanta  oo la dhoofiyo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here