Aqalka Senetka ayaa lagu wadaa in ay ka shiraan mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka, Rigathi Gachagua, oo bilaabanaya maalinka bari oo arbaca ah
Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii aqalka barlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenkuba ay u gudbiyeen xog-hayaha golaha senetka cadaymahoodii iyo waraaqihii la xidhiidhay.
Aqalka barlamaanka ee sida aqlabiyadda ah u ansixiyay mooshinka xil ka qaadista ayaa 43 kartoon oo dukumeenti ah oo ay ku jiraan 80 nuqul oo cadeymo ah u gudbiyay aqalka senetka dalkaa.
Qareenada madaxweyna kuxigeenka ee kala ah George Sakimpa iyo Eric Naibei ayaa dhankooda gudbiyay laba kartoon oo dokumentiya ah.