Madaxweyne William Ruto ayaa bilaabay socdaal saddex maalmood ah oo uu ku marayo gobolka Gusii ee kala ah kauntiyada Kisii iyo Nyamira.
Madaxweyne Ruto ayaa inta uu ku sugan yahay gobolkaas waxaa uu kormeeri doonaa mashaariic kala duwan oo ay dowladdu fulinayso oo uu ugu horreeyo dugsiga sare ee Kiabonyoru, halkaas oo uu ka dhagax-dhigi doono dhismaha xaruumo cusub oo laga dhisayo Waqooyiga Mugirango ee ismaamulka Nyamira.
Waa markii ugu horeysay ee uu madaxweynuhu tago gobolka Nyanza tan iyo markii uu soo dhisay xukuumadiisa salka-ballaaran taas oo hubisay in gobolka uu sii haysto wasiirka waxbarashada .
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu daah-furo mashruuc 3.4 bilyan oo shilin ah oo ah xarun casri ah oo loogu talagalay kansarka iyo mashaariic kale.
Tani ayaa ku soo beegantay maalmo kadib markii uu soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku marayay ismaamulka Murang’a halkaas oo uu ka furay mashaariic horumarineed oo dhowr ah.
Maalmo ka hor Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday gobolka Xeebta oo ka kooban ismaamulada Lamu, Kilifi, Mombasa, Kwale iyo Tana River.
Wuxuu sidoo kale marti galiyay kulan toos ah oo uu la yeeshay shacabka Mombasa.