Dacwad ayaa la horgeeyay Maxkamadda oo lagu dalbanayo in laga noqdo magacaabista 19-ka wasiir.
Codsiga ayaa waxaa soo gudbiyeen guddiga xuquuqul insaanka Kenya (KHRC) iyo Wanjiru Gikonyo, waxaana lagu dalbanayaa in la baabi’iyo magacaabista 19-ka wasiir ee xukuumadda, iyadoo loo cuskanayo in habraacooda kala-shaandheynta uu ku guul darreystay in uu wax ka qabto tabashooyinka daacadnimada iyo ka qaybgalka dadweynaha oo ku filan, iyo arrimo kale.
Codsadayaashu waxa kale oo ay ku doodayaan in hannaanka kala-shaandhaynta uu sidoo kale ku guuldarraystay in la qiimeeyo dhammaan dhinacyada khuseeya taariikhda musharaxa, shahaadooyinkiisa, iyo ku habboonaanta doorka, taasoo keentay in la magacaabo shakhsiyaad aan ku habboonayn doorkooda gaarka ah.