Labo musharrax oo kale ayaa ku biiray tartanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, iyadoo soo gudbinta magacyada musharixiinra la soo gaba gabeeyay shalay oo Talaada ahayd.
Labada musharax ee cusub oo kala matalaya Madagascar iyo Mauritius ayaa la wajihi doona Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
Ururka Midowga Afrika ayaa u qabtay Talaadada 6-da, 2024-ka, in ay ku egtahay maalinta kama dambaysta ah ee soo gudbinta magacyada musharixiinta u tartamaya 8da jago ee hoggaanka sare ee Midowga Afrika.
Afarta musharax ayaa doonaya in ay xilka kala wareegaan guddoomiyaha xilka ka degaya Moussa Faki Mahamat oo xilka hayay labo xilli.
Bayaan uu soo saaray Isniintii, Guddigu wuxuu ku sheegay in kaliya magacyada musharixiinta uu gobolku soo gudbiyay lagu tixgalin doono hannaanka doorashada is rereebka ee qaadayaan guddiga AU-da.
Doorashada guddiga Midowga Afrika ayaa dhici doonta Febraayo 2025 inta lagu guda jiro shir madaxeedka Midowga Afrika.