Xisbiga United Democratic Alliance (UDA) ayaa ku dhawaaqay in uu laalay magacaabista Cleophas Malala oo ahaa xoghayaha guud ee xisbiga.
Qoraal uu maanta soo saaray ayuu xisbiga ku sheegay in la tashiyo ka dib xilka uu si KMG ah u sii hayn doono guddoomiye ku xigeenka Xasan Cumar.
Guddida fulinta ee heer qaran ayaa sheegay in isbedelku si degdeg ah u hirgalayo.
Xisbigu waxaa uu sheegay in go’aanka lagu laalay jagada Malala uu yimi ka dib markii ay guddiga fulinta qaranka ee xisbiga ay ku amreen guddiga doorashooyinka ee heer qaran in ay isbedel ku sameeyaan, isla markaana ay sii wadaan wejiga koowaad ee doorashooyinka hoose ee ismaamulada ka dhacaya.
Xisbiga ayaa waxaa uu sheegay in uu fulin doono nidaam dawladnimo iyo maamul si loo dardargeliyo ajandayaashooda iyo in loo dajiyo hab gaar ah oo ah urur loo dhan yahay, ka qayb-gal iyo wadatashi leh.
Malala ayaa waxaa loo magacaabay ku simaha Xoghayaha Guud ee UDA bishii Febraayo 2023-kii.
Wuxuu bedelay Veronica Maina oo loo magacaabay Senetar.
Xisbigu ayaa wajahaye waayadii dambe dagaallo gudaha ah oo ku saabsan jagooyinka.