Madaxweyne William Ruto ayaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga Aadan Ducaale u magacaabay wasaaradda deegaanka, keymaha iyo isbedelka cimilada.
Warbixin uu akhriyay afhayeenka baarlamaanka qaranka Moses Wetangula oo ku saabsan magacaabista 11-ka wasiir oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Ruto, Soipan Tuya oo loo magacaabay in ay noqoto wasiirka deeganka ayaa waxaa loo badalay xaga kaashandiga halka ducaale uu aadi doono wasaarada deegaanka.
Aden dualle oo fariin qoraal ah soo dhigay barta X ayaa waxaa uu uga mahadceliyay jagada cusub ee u magacaabay.
Magacyada ayaa hadda loo gudbin doonaa guddiga magacaabista golaha shacabka oo uu guddoomiye u yahay afhayeenka baarlamaanka Wetangula, waxaana guddiga uu heystaa muddo 28 maalmood ah oo ay ku soo gudbiyaan warbixin ku saabsan ku habboonaanta qof kasta oo la magacaabayo.
Madaxweynaha dalkaa ayaa waxaa uu soo dameystiri doona wasaaradaha haray dhawaan.