Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Qorshe lagu dhisaayo xafiis baara Tacaadiyada booliska oo la bilaabay.

Qorshe lagu dhisaayo xafiis baara Tacaadiyada booliska oo la bilaabay.

66
0

 

Waxaa socdaa qorshe lagu dhisaayo Xafiis gaar ah oo baara tacaadiyada booliska ee ka dhanka ah shacabka.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dalka looso jeediyay in uu  uu u bilaabo geeddi-socodka lagu dhisayo xafiiskaasi.

Xafiiskan oo lagu Magacaabo  Coroner General ayaa marka la dhiso wuxuu baari doonaa dhimashada, oo ay ku jiraan kuwa ka dhasha tallaabada booliiska wuxuuna hubin doonaa isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta kiisaska dhimashada shakiga leh.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku amray ciidamada booliska ee kahortagaya mudaaharaadka inay is xakameeyaan inta lagu guda jiro mudaaharaadyada.

Wasaaraddu waxa ay ku boorisay hay’adaha amniga in ay adeegsadaan awood aan halis ahayn si loo sugo amniga guud iyadoo la dhowrayo xurmada nolosha sida uu dhigayo dastuurka.

Dawladdu waxay kaloo sheegtay in ciidamo badan oo ammaanka ah la geeyay goobaha ay ka socdaan dibadbaxyada rabshadaha wata  si loo ilaaliyo kaabayaasha muhiimka ah.

Dadka Kenyanka ah ee ka cadhooday tallaabada booliiska ayaa laga codsaday inay cadaalada u raadsadaan  nidaamka cadaaladda dembiyada, oo ay ku jiraan maxkamadaha iyadoo  hay’adda madaxa-bannaan ee kormeerka booliiska (IPOA) ay horay u wadday baaritaanno madax-bannaan oo ku aaddan eedeymo dhowr ah oo loo jeediyay booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here