Booliska ayaa soo helay dhowr badeeco oo laga xaday dukaanka weyn ee Chieni supermarkets ee ismaamulada Nyeri iyo Laikipia kuwaasi oo ay xadeen dibadbaxayaal ka soo horjeeda sharciga maaliyadda.
War qoraal ah oo ay soo saartay hay’adda dambi baarista ee DCI ayaa lagu sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay tiro dad ah oo lagu badeecadahaasi.
Alaabooyinka la helay waxaa ka mid ah mashiinada dharka lagu dhaqo, talaajadaha, mashiinada biyaha, baaskiilada, weelasha cuntada iyo dharka.
DCI-da ayaa sheegtay in dadka laso qabtay intooda badan ay haysteen qaar kamid alaabaha supermarket-ka laga dhacay.
DCI-da ayaa sheegtay in ciidamada booliisku ay sii wadi doonaan baaritaanada si ay gacanta ugu soo dhigaan burcada dhaca iyo burburinta ku kaca.