Hogaamiyaha Azimio la umoja Raila Odinga ayaa u mahad celiyay wiilka Martin Luther King oo soo diray fariin isaga oo ku baqaya in shacabka kenyanka ah loo ogolaado in ay qabtaan mudaaharaadyo aan rabshado ahayn.
Raila oo fariin soo dhigay bartiisa X ayaa sheegay inuu sidoo kale aaminsan yahay mudaaharaadyo aan rabshada lahayn.
Hadalka hogaamiyaha Azimio ayaa yimid kadib markii wiilka ugu weyn Martin Luther King, Martin Luther King III iyo xaaskiisa Andrea Waters King ay ku booriyeen dadka Kenyaanka ah inay ilaashadaan nabadda marka ay qabanayaan sharciga Maaliyadda 2024.
Lamaanahan oo hadda ku sugan gudaha dalka, ayaa ku booriyay dadka Kenyaanka ah inay caalamka tusaan codkooda, isla markaana ay kacaan, iyagoo aan caro ku jirin, balse ay ku baaqayaan cadaalad la isku raacsan yahay