Home Wararka Kenya (local news in Kenya ) Waxaa xabsi dalka ka baxsaday nin kenyaan ah oo lagu eedeeyay inuu...

Waxaa xabsi dalka ka baxsaday nin kenyaan ah oo lagu eedeeyay inuu saaxiibtiis ku dilay garoonka diyaaradaha ee dalka Mareykanka

123
0

Waxaa xabsi dalka ka baxsaday nin kenyaan ah oo lagu eedeeyay inuu saaxiibtiis ku dilay garoonka diyaaradaha ee dalka Mareykanka.

Kevin Adam Kinyanjui ayaa ka baxsaday saldhigga booliiska ee Muthaiga ee magaaladatani Nairobi ay dowladda Maraykanka doonaysa in loo ciqaabo dil uu u gaystay gabadh ay sheeko ka dhexeysay.

Ninkaan ayaa  dowladda Maraykanka doonaysa in loo ciqaabo dil uu u gaystay gabadh ay sheeko ka dhexeysay.

Taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei, ayaa arrin fadeexo ah ku tilmaamay inuu xabsi ka baxsaday qof dil loo haysto.

Kevin Adam Kinyanjui  ayay xabiga ka  baxsaday ka dib markii loo oggolaaday inuu bannaanka xabsiga kula hadlo qareenkiisa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ka dib markii uu baxsaday uu raacay gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda iyadoo aynan booliisku u suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan.

Waxaa durbaba la xiray qareenkiisa iyo afar sarkaal oo booliis ah oo shaqada ku jiray xilligii uu eedeysanaha ka baxsanayay saldhigga.

Sidoo kale waxaa hadda socdo dabagal lagu raadinaya Kengethe oo ku eedeysan inuu dilay gabadh haysatay jinsiyadda Maraykanka oo lagu magacaabi jiray Margaret Mbitu.

Dilka ayuu gaystay 31-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii.

30-kii bishii koowaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii tuhmanaha laga qabtay xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi ka dib bilooyin la raadinayay.

Taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei, ayaa arrin fadeexo ah ku tilmaamay inuu xabsi ka baxsaday qof dil loo haysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here