Hoggaamiyaha Isbaheysiga Azimio la Umoja Raila Odinga ayaa ku baaqay wada hadal heer qaran ah oo ku saabsan qorshaha guryeynta ee ay dowladdu wado.
Isagoo ka hadlayay maanta xafladii sanadguurada 15-aad ee Xisbiga Midnimada Qaran (PNU) iyo daah-furka Barnaamijka qorista Xubnaha Cusub ee Xisbiga Raila ayaa sheegay in uusan ka soo horjeedin siyaasadda
guryeynta ee la awoodi karo balse ay isku khilaafsan yihiin sida ay dowladdu u fulineyso iyada oo aan lagala tashan shaqaalaha.
Raila ayaa sheegay in loo baahan yahay in wada hadal heer qaran ah laga yeesho sidii loo maalgelin lahaa qorshaha guryeynta la awoodi karo, sida iyo halka laga dhisayo guryaha iyo cidda ka faa’iidaysan doonta.
Raila ayaa sheegay in maamulka Kenya Kwanza uu ku guul daraystay in uu si sax ah u fuliyo ajandaha guryaha ee la awoodi karo.