Madaxweyne William Ruto ayaa cambaareeyay hadalka kasoo yeeray Mucaaradka ee ah in ay dib u bilaabi donaan dibad baxyada looga soo horjeedo qiimaha maciishada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladda ay dejisay siyaasada dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka iyada oo loo marayo mashruuca guryaha la awoodi karo.
Madaxweynaha oo Maanta ka hadlayay ismaamulka Meru halkaasi oo uu xariga oga jaray Mashruuca guryaha la awoodi karo ee suuqa Timau, ayaa sheegay in mucaaradka ay isku dayayaan in ay hor istaagaan hirgalinta barnaamijyada dowladda.
Madaxweynaha ayaa ku booriyay mucaaradka in ay soo bandhigaan xalal kale oo dalka lagu horumarin karo intii ay ku dhaqaaqi lahaayeen mudaaharaad iyo fowdo.