Wasiirka Wasaarada caafimaadka Susan Nakhumicha ayaa Xariga kajartay guddiga maamulka ee machadka cilmi baarista aasaasiga ah ee Kenya (KIPRE).
Guddigan oo markii hore loo yaqaanay machadka cilmi baadhista aasaasiga ah (IPR) ayaa hada loo badalay KIPRE.
Wasiirka oo ka hadlaysay intii lagu guda jiray daahfurka, ayaa bogaadisay kartida hay’adda ee dhanka cilmi baarista, iyo doorka ay ku leedahay ka hortagga cudurrada aan la kala qaadin.
Waxay iftiimisay faa’iidooyinka soo socda ee Maamulka Caafimaadka Bulshada, iyada oo ku dhiirigelinaysa hagaajinta qaab nololeedka iyo natiijooyin caafimaad oo wanaagsan.
Nakhumicha ayaa qiratay horumarka KIPRE ee wax soo saarka caafimaadka taranka iyo doorka ay ku leedahay wax ka qabashada qaniinyada masaska