Mareykanka ayaa Markii afaarad oo xariir ah weeraray Ciidamada Houthi ee dalka Yemen.
Mareykanka ayaa sido kale sheegay in ay qabteen 14 gantaal oo ay soo tureen ciidamada houthi kuwaasi oo lala damacsana maraakiibta mareykanka.
Weeraradan ayaa kusoo aadaya iyada oo Mareykanka uu ciidamada houthu-ga uu aqoonsaday argagixiso caalami ah.
Ciidamada Houthi ayaa sanadkii hoore bilaabay in ay weeraraan maraakiibta ganacsiga ee dalalka taageera israil iyaga oo sheegay in ay Hamas ugu aar gudayaan.
Mareykanka iyo Uk ayaa 14-kii bishan bilaabay weeraro aan kala go’ lahayn oo lala beegsanaayo saldhigyada houthi-ga.
Weeraradan cirka ah ayaa waxaa Mareykanka ka taageeraya dowladdaha Australia, Bahrain, The Netherlands iyo Canada.