Lionel Messi waxaa uu xalay ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee FIFA Best Awards oo uu ku garaacay Erling Haaland iyo Kylian Mbappe oo si adag ugula tartamay, waxaase ka dhashay dood la xidhiidha sababta abaal-marinta loo siiyey Lionel Messi iyagoo isku-dhibco noqday Erling Haalad.
Kabtanka reer Argentina waxa ay isku dhibco noqdeen Erling Haaland oo labaad galay iyadoo Kylian Mbappe oo xilli-ciyaareedkii hore ay isku koox ahaayeen Messi uu u dhacay kaalinta saddexaad, inkasta oo xulkiisa France uu keenay finalkii Koobka Adduunka.
Messi oo sannadkii 2023 ku bilowday PSG ka hor intii aanu bishii June tegin Inter Miami ayay u ahayd markiisii saddexaad ee uu ku guuleysto abaal-marinta FIFA The Best oo siddeed sannadood ka hor la bilaabay bixinteeda.
36 jirkan ayaa sagaal gool u dhaliyey PSG xilli-ciyaareedkii tegay ee ay ku guuleysteen horyaalka Ligue 1, sidoo kalena waxa uu 10 gool u dhaliyey Inter Miami oo uu toddoba ciyaarood u saftay, isagoo kula guuleystay League Cup-ka waddanka Maraykanka, kaas oo noqday koobkii ugu horreeyey ee ay ku guuleysato kooxda David Beckham ee Inter Miami.
Erling Haaland ayaa isaguna waxa uu dhaliyey 36 gool horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkii tegay, isaga oo sannadkii 2023 kusoo xidhay 52 gool oo dhamaan tartamada ah, waxaana uu ka caawiyey City in markii ugu horreysay taariikhdeeda ay ku guuleysato Champions League, iyagoo ku darsaday Premier League iyo FA Cup.
FIFA ayaa waxa ay sidoo kale shaacisay in Messi iyo Haaland ay isku dhibco ahaayeen marka la eego codbixinta, laakiin Lionel Messi ayaa la siiyey sababtoo ah waxa uu kaga sarreeyey Haaland tirada codadak kabtannada xulalka qaramada ee codkooda 1aad siiyey.